Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalka TURKEY iyo khasaare ka dhashay

turkey amb

Dhul-gariir cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ruxay bariga dalka Turkey, halkaasi oo uu ku dilay 18 qof, islamarkaana ku dhowaacay in ka badan 500 oo kale.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale la rumeysan yahay in 30 qof ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinka.

Dhul-gariirka ayaa laga dareemay dalal ka fog Turkey, sida Falastiin, hase yeeshee wax khasaare nafeed ah ama burbur lagama soo sheegin.

Wasiirka caafimaadka Turkey, Hulusi Akar ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ee gobollada kale loo diray halka dhul-gariirka uu ka dhacay, ayada oo ciidamadana heegan la geliyey.

Boqolaal qof ayaa guryo la’aan ah iminka, ayada oo guryahooda ay ku burbureen dhul-gariirka.

Muuqaallo TV ayaa muujinayey kooxaha gurmadka oo dad dhaawac ah kasoo hoos saaraya dhismayaal burburay, degmada Gezin eee gobolka ku yaalla Bariga ee Elazig.

Magaalada Elazig ayaa waxaa ku dhintay 13 qof, halka shan qofna ay ku dhinteen magaalada Malatya. Guud ahaan 553 qof ayaa la xaqiijiyey inay dhaawac yihiin, kuwaas oo 11 ka mid ah ay xaaladdooda halis tahay.

Qiyaastii 30 dhisme ayaa ku burburay dhul-gariirka oo saameeyey laba gobol, sida uu sheegay wasiirka deegaanka Murat Kurum.

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ayaa sheegay in la qaaday tallaabo kasta oo muhiim ah, si loo xaqiijiyo khasaaraha dhimasho ee dhulgariirku in uu noqdo midka ugu yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here