Dhuusamareeb: Ahlusuna oo ka baxay xaruntii ugu weyneyd

dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ahlusuna ay isaga baxeen xaruntii degmada oo aheyd xaruntooda ugu weyneyd ee ay ciidankooda ku sugnaayeen.

Sida wararku sheegayaan Ahlusuna ayaa la sheegay in iskood isaga baxeen xarunta, waxaana kaddib la wareegay xarunta degmada Dhuusamareeb Ciidamada Booliska dowladda Federaalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhammaan ciidankii Ahlusuna ay isugu uruureen xarunta INJI oo uu degan yahay Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusuna. Xaalada magaaladuna aad bay u degan tahay.

Saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa si buuxda ula wareegay Matabaan iyo Guriceel oo ay horay gacanta ugu hayeen Ahlusuna, waxaana labadaas degmo ka dhacay iska hor imaadyo kooban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here