Dhuusamareeb: Nin Ina Adeerkiis dilay oo la qabtay

ciidamada onkod 1

Ciidamada amniga oo saaka illaa xalay howlgallo ka waday Dhuusamareeb ayaa gacanta ku soo dhigay Faa’id Salaad Caraale oo la sheegay in nin ay ilmo adeer ahaayeen uu ku dilay xaafadda Waabari ee degmadaasi.

Taliyaha Booliska Dhuusamareeb, ahna taliyaha ciidanka Xasilinta ee magaaladaasi, Gaashaanle C/laahi Xasan Macalin ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in ninkaasi la soo qabto, isagoo uu ku dhuumaaleysanayey xaaafadda uu dilka ka geystay.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan eedeysanaha, islamarkaana ay u xaqiijin doonaan waxa ku sababay dilka walaalkiis.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa tilmaamay inay dib ka faah faahin doonaan natiijada baaritaankooda, islamarkaana ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabayey Raage Saalax Caraale, waxaana la sheegay in labadooda uu ka dhexeeyey khilaaf sababay gacan ka hadal.

Falkaan ayaa si aad ah ay u hadal hayaan dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska lahaa marxuumka iyo ninka dilka geystay.

Dhacdadan ma’ahan mid ugub ah, waxaana magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho iyo kuwa kale ka dhacay dilal noocaan oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here