Dibadbax ballaaran oo maanta Hong Kong ka dhacay

hong kong

Tobannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyiinka Hong Kong, waana dibadbaxii ugu ballaarnaa ee halkaasi ka dhaca muddo bilooyiin ah.

Qabanqaabiyayaasha ayaa waxay sheegeen in dad lagu qiyaasay 800,000 ay ka qeyb qaateen dibadbaxa maanta, balse booliiska ayaa tirada ku sheegay 183,000.

Booliiska ayaa waxa ay xabsiga dhigeen 11 qof howlgal ay sameeyeen ka hor dibadbax maanta.

Dibadbaxyada Hong Kong ayaa bilaabmay bishii June ka dib markii la soo saaray hindisa sharciyeed ogolaanaya in dowlada Shiinaha loo gacan galiyo dadka dambiyada looga shakiyo.

Balse dibadbaxyadan ayaa markii dambe isu badalay kuwa ballaaran oo dowladda looga soo horjeedo.

Bayaan ay dowlada soo saartay Sabtidii ayaa loogu baaqay dadka in ay is dajiyaan islamarkana dowladda ay dhageysan doonto dalabkooda ayna aqbali doonto cambaareyntooda.

Dibadbaxyada oo halkaasi ka socday 6-dii bilood ee ugu dambeeyay ayaa waxay iminka saamayn ku yeesheen dhaqaalaha jasiiradda Hong Kong.

Qabaqaabiyayaasha dibadbaxyadan ayaa waxay sheegeen in dowlada ay haysato fursadii ugu dambeysay ee ay dalabkooda ku fulin karto.

Waxyaabaha ay imika dalbanayaan waxaa ka mid ah in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo qaabkii ay booliiska ula tacaaleen dibadbaxayaasha iyo in cafis loo fidiyo dadkii dibadbaxyada lagu xiray.

Waxaa sidoo kale ay dalbanayaan in la qabto doorasho xaq iyo xor ah.

Ku dhawaad 6,000 oo qof ayaa la xiray halka boqolaal qof ay ku dhaawacmeen tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen bishii June.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here