Dibadbax lagu taageerayo Baarlamaanka labaad ee Koofur Galbeed oo Baydhabo ka socda

calanka koonfur galbeed

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka KGS waxaa ka socda dibadbax lagu taageerayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamanaka labaad ee Dowlad Goboleedkaas.

Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa soo qaban-qaabiyay dibadbaxa taageerada ah ee lagu soo dhaweynayo 95-ta Xildhibaan ee cusub laguna dhawaaqay maalin kahor.

Waxaa goobta isu soo baxa uu ka socdo ku sugan qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada, Mas’uuliyiinta Degmada Baydhabo, Maamulka Gobolka Bay iyo madax kale oo katirsan Dowlad Goboleedka KGS.

Maalmihii ina dhaafay Magaalada Baydhabo waxaa ka socotay soo xulista Xildhibaanada labaad ee Baarlamaanka KGS oo la dhimay tiradii hore ee uu ka koobnaa Golaha Wakiilada.

Baarlamaanka Cusub ayaa lagu wadaa in dhawaan ay soo doortay Guddoomiye iyo labo ku xigeen, marka ay soo gaba-gabeeyaan doorashadaas waxa ay guda galayaan howlaha horyaalla.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa bogaadiyay in la dhimo tirada Xildhibaanada oo uu soo jeediyay kahor inta aan la guda gelin soo xulistooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here