Dibadbax lagu taageerayo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka dhacay Magaalada Jigjiga

jigjiga taageero abiy

Waxaa maanta galinkii hore Jigjiga ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Abaal marintii la siiyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, banaanbaxan oo dadku isugu yimaadeen Garoonka Kubadda cagta ee Jigjiga ayaa waxay dadku wateen calamada degaanka iyo dalka, iyo waliba boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhegyo muujinaya taageerada shacabku u hayaan Abyi Axmed.

Haddaba  banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda degaanka u saraysa sida Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo ku xigeenkiisa Adan Faarax, Odayaal dhaqameedka degaanka, Hooyooyin aad u badnaa iyo marti sharaf kale.

Madaxwayne Mustafe cagjar oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka maamulkiisa dhaliishan ay imaan karaan degaanka oo ay doodooda si xor ah Warbaahinta degaanka uga hadli karaan, balse ma aha ayuu yidhi in degaanka meelo ka baxsan laga hadlo maadaama aysan jirin wax dhib ah oo degaanka ka jirta oo u diidaysa inuu qofku degaankiisa yimaaddo.

Mar uu ka hadlayay arrinta Gobolka Sitti ee ay dhibaatadu ka jirto ayuu sheegay Mustafe cagjar in arrintaas dilka lagu hayo Soomaalida ay wax ka qaban doonaan.

Guud ahaan jawigii goobta ee maanta ayaa ahaa mid deggan iyadoo ay ammaanka goobta ay sugayeen Ciidamada gaarka ah ee degaanka oo ay kamid yihiin Ciidanka Kamaandoosta oo si adag u sugayay amniga.

Banaanbaxan lagu taageerayay abaal marintii dhanka nabadda ee lasiiyay R/wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here