Dibadbax looga soo horjeedo caleema saarkii A/Madoobe oo ka dhacay gobolka Gedo

Banaanbax gedo

Dibadbax ballaaran oo laga soo horjeedo maamulka Jubbaland, gaar ahaan xafladdii caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Garbahaarey xarunta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Banaanbaxa oo ay soo abaabuleen waxgradka Garbahaarey ayaa waxaa ka qeyb gala boqolaal dadweyne ah, kuwaas oo ku qeylinayey erayo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyey dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadaasi, gaar ahaan Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan dooraashadii ka dhacday Kismaayo, iyagoo tilmaamay inay aheyd mid sharci darro ah.

Dibadbaxani ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee degmada Garbahaarey oo weli hakad ku jira.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Gedo ka heysan wax taageero ah, tan iyo markii uu qabtay hoggaanka Jubbaland.

DAAWO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here