Digniin laga soo saaray weerar Shabaab la damacsan yihiin diyaaradaha shacabka ee Hawada Kenya

diyaarad american eagle

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan weerar ay kooxda Al-Shabaab damacsan tahay inay la beegsato diyaaradaha isticmaalo Hawada Dalka Kenya.

Digniintaan ayaa waxaa soo saartay Hay’adda Duullimaadka Hawada Mareykanka ee loo yaqaan FAA kadib markii ay heshay xog ku saabsan qorshaha ay Al-Shabaab ku dooneyso inay ku weerarto diyaaradaha kala duwan ee adgeesada Hawada dalka Kenya.

Warbixinta ay soo saartay FAA ayaa lagu sheegay inay kooxda Al-Shabaab qorsheeneyso inay fuliso weeraro ka dhan ah Diyaaradaha isticmaalo Hawada Kenya iyadoo adeegsaneyso lidka diyaaradaha, Hoobiyayaasha iyo hubka fudud ee gaari kara Fl260 joogga dhulka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in weeraradaan ay dhici karaan marka diyaaradaha ay degayaan ama duulayaan oo ay dhulka aad ugu dhowyihiin.

Hey’adda FAA ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo adkeeyo ammaanka hawada Kenya si looga fogaado weerrada ay qorsheeneyso kooxda Al-Shabaab.

Hey’adda ayaa ku baaqday sidoo kale inay diyaaradaha muujiyaan taxadar dheeraad ah isla markaasna ay iska ilaaliyaan inay ku duulaan jawi hoose si looga fogaado weeraradaas qatar ah ee kusoo fool leh.

Hey’adda ayaa xustay inay digniintaan dib u eegis ku sameyn doonto 26ka Bisha February ee sanadkan 2020.

Digniinta kasoo baxday hey’adda FAA ayaa kusoo aadeyso xilli ay Al-Shabaab laba jibaareen weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa horey wacad ugu martay inay joojin doonin weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya inta ay ciidamada Kenya isaga baxayaan gudaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM kaasoo Soomaaliya ka socdo in ka badan 10 sano, waxayna dowladda Kenya sheegtay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Soomaaliya inta laga ciribtirayo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here