Diiwaan-gelinta shacabka ka codeynaya doorashada 2021-ka oo la billaabayo

doorasho soomaaliya

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ku dhowaaqay qorshe lagu diiwaan-gelinayo malaayiin qof oo Soomaali ah, si ay uga qeyb qaataan wax noqon kara doorashadii ugu horreysay ee qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda muddo ka badan nus qarni.

Guddoomiyaha guddiga Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo loo yaqaan Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in guddiga uu diiwaan-gelinta cod bixiyayaasha billaabi doono bisha March ee 2020.

Waxay sheegtay in boqolaal xarumo oo diiwaan-gelin ah la furi doono si ay cod bixiyayaasha ugu diiwaan geliyaan qaabka faraha.

“Ugu yaraan waxaan dooneynaa inaan diiwaan-gelino laba illaa saddex milyan oo qof oo Soomaali ah,” ayey tiri Xaliimo Yarey oo wareysi bixisay.

Shacabka Soomaaliya ayaa la qiyaasaa inay dhan yihiin 12 milyan oo qof, hase yeeshee waxaa la gaari karaa oo la diiwaan-gelin karaa kaliya bar ka mid ah, sida ay sheegtay Xaliimo.

“Dad badan ayaa ku nool dalka dibaddiisa. Qaar badan ayaa qaxooti ah. Somaliland waa gooni. Waxaa jira goobo ay maamusho Al-Shabaab oo dad badan ay ku sugan yihiin,” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in shirkado ajnabi ah ay dalka iman doonaan sanadka soo socda, si ay ula kulmaan saraakiisha doorashada ugalana hadlaan qaabka farsamo ahaan loogu guuleysan karo diiwaan-gelinta.

Si kastaba Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in ka hor inta aan la diiwaan-gelin shacabka, ay marka hore qasab tahay in baarlamanka uu ansixiyo sharciga doorashada. Sidoo kalena loo baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here