Diiwaanka xogta shaqaalaha dowladda oo lagu soo daray nooca dhiiggooda

astaanta soomaaliya

Keydka xogta diiwaanka shaqaalaha dowladda Soomaaliya ayaa loo rogayaa mid online ama digital ah, waxaana lagu soo daray in la ogaado xogta nooca dhiigga (blood group) ee qofka.

Dhammaan shaqaalaha dowladda ee diwaan gashan ayaa dib loogu laabanayaa feelashooda waxaana kadib lagu darayaa nooca dhiigga qofka, ayada oo shaqaalaha ay foomka ay buuxinayaan ku qoran tahay meel ku sheegayaan nooca dhiiggooda, qofkii aan ogeynna ay qasab tahay inuu soo ogaado.

Shaqaalaha ayaa markii hore la ogeyn nooca dhiiggooda, waxaase hadda lagu soo daray arrintaas, sida ay noo sheegeen xubno ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha, taasi oo qeyb ka ah is-beddel guud oo lagu samaynayo diiwaanka shaqaalaha.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dib u laabasho guud oo lagu sameynayo dhammaan shaqaalaha dowladda, si qof kasta looga hayo xog buuxda oo aan wax shaki ah ku jirin.

Shaqaalaha ayaa horey loogu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inay damiin ka noqdaan odayaal iyo xildhibaanno ku beel ah, si dhammaan shakiyada jira meesha looga kadib qaraxii xarunta gobolka oo ay fulisay gabar shaqaale ahayd.

Arrintan ayaa qeyb ka ah sugdidda amniga, waxaana ujeedku yahay in cid kasta oo lagu tuhmayo xiriiro kooxaha argagixisada ah laga dhex saaro dowladda.

Qorshaha lagu ogaanayo nooca dhiigga shaqaalaha ayaa sidoo kale ka caawin karta dowladda in deg deg loo caawin karo marka qof shaqaale ah dhib gaaro sida dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here