DILKA ASKARTU WAA ASTAAN IN MADAXWEYNAHOODU HOGAAMINTII KU FASHILMAY

madaxweyne muuse biixi5
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ka hadlay dil macno daro ah oo ciidamada Somaliland beryihii u dambeeyey loo geysanayey, isagoo muujiyey inaanu garanayn sababta arintani u dhacayso, hanjabaad culusna raaciyey.

Dilka Askarigu waa arin xun oo nabadgelyo daro bilowgeed ah, waana ka tacsiyadeynaynaa, balse Madaxweyne waxaad ilowsan tahay inaad tahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Somaliland, haddii hogaamintaadu wanaagsanaato waxaa kor u kacaya sharaftooda, hadaad hogaaminta ku fashilantidna waxaa khatar ku jira naftooda iyo nafta shacabkaba, Sidaasdaraadeed khaladku waa adiga oo hogaamintii dalka ku fashilmay, dhibaatooyinka goobaha Ciidanka lagu dilayo ka jirta waa masuuliyadaada inaad Caqli iyo salmi ku xalisid.

Askariga maanta dagaalka Caarre ku dhinta waxaad dishay maalintii Caarre oo keligiis ah oo naftii hayso, meel uu u kaco haysan aad diiday in odayaashiisu keenaan kuna tidhi waa arin Ciidan faraha ka qaada, HADDA MIYAANAY ARIN CIIDAN AHAYN MAXAAD ODAYAASHA UGU DIRAYSAA? MAAHA IN GIDAARKU KU SOO CESHADO EE WAA INAAD KA HORTAGTAA.

Madaxweyne dilka macdarada ah ee Ciidanka waxaa fududeeyey hogaamin xumadaada sida;

1.Markaad ku fashilantay inaad colaada Ceel Afweyn dhameyso.

2. Markaad ku guuldaraysatay in caqligu shaqeeyo oo shaqadii Caaqilka aad Ciidankii Qaranka u adeegsatay.

3. Markaad garanweyday dadka degaanka adeegso intaadan weerarka Tukaraq qaadin.

4. Markaad tanaasulkii baad u qaadatay.

5. Markaad gabtay inaad waxwalba waqtiga ku haboon xaliso, oo arin bilowgii 2000 oo dollar kugu tegi lahayd aad malaayiin isku gaarsiiso.

6. Markaad qiimeyn weyday taladdii iyo dareenkii shacabka.

7. Markaad Xukuumadaadii ku soo urursatay xubno majeedhaan ah oo aan talo kugu kordhin karin ama khaladka kaa qaban karin.

HALKAN KA AKHRISO QAAR KA MID AH GUULDAROOYINKA IYO FASHILKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

GEBAGEBADDII MADAXWEYNE WAXAA HABOON INAAD XUSUUSNAATO INAAD TAHAY WAARDIYAHA ASKARIGA KA ILAALIYA KHATARAHA KU IMAAN KARAA, FASHILKAAGANA QIIL HOW SAMEYNIN, NABADGELYADA XOOG KELIYIHI MA KEENTO EE CAQLIGA OO LAGA SHAQAYSIIYO AYAA SALDHIG U AHAA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here