Diyaarad ay saarnaayeen 180 qof oo ku dhacday gudaha Iran

ukraine international

Warbaahinta dalka Iran ayaa kusoo warrantay in diyaarad nooceedu yahay 737 oo ay saarnaayeen ku dhawaad 180 qof ay ku burburtay meel aan ka fogeyn caasimadda Iran ee Tehran.

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa kusoo warrantay in diyaaradan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Ukraine ay burburtay waxyar un kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini ee caasimadda Tehran.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ee shilka diyaaradda.

Wararku waxay intaa ku darayaan in diyaaradda ay kusii jeeday caasimadda Ukraine ee Kiev, ilaa iyo haddana ma cadda waxa sababay shilka diyaaradda iyo in ay la xiriirto xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran.

Kooxaha gurmadka degdega ayaa loo diray halka ay diyaaradda ku dhacday oo u dhaw garoonkii ay ka kacday.

Madaxda hey’adda bisha cas ee dalka Iran ayaa warbaahinta dowladda u sheegay “in ay adag tahay in qof uu ka badbaado “diyaaradda dhacday.

Ali Khashani, oo garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini u qaabilsan la macaamilka dadweynaha ayaa telefishenka Press Tv ee ay leedahay Dowladda Iran u sheegay in diyaaradda markii ay dhacday uu dab qabsaday, 160 qof oo rakaab ah iyo sagaal shaqaale ah ay ku dhinteen.

Sababta keentay shilka diyaaradda ayuu sheegay in ay u badan tahay cillad farsamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here