Diyaarad rakaab ah oo ku duuleysay hawada Suuriya oo gantaal lagu toogtay

map syria

Diyaarad rakaab ah oo ku duuleysay hawada dalka Suuriya ayaa lagu khasbay inay khadka baddalato ka dib markii uu aad u sigay gantaal lidka diyaaradaha ah oo ay ku rideen ciidanka difaaca hawada ee dalkaas, sida ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka.

Warbaahinta ruushka oo soo xiganeysay saraakiil dhinaca difaaca ah ayaa sheegtay in diyaaraddaas ay damacsaneyd inay ka caga dhigato magaalada Dimishiq, laakiin ay la kulantay jawaab ay ciidamada cirka ee Suuriya ka bixinayeen duqeymo la sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay aroornimadii Khamiista ka fulinayeen gudaha Suuriya.

A Russian Sukhoi SU-30 SM jet fighter standing on a runway at the Hmeimim airbase in Syria

Diyaaradda ku sigatay in uu gantaalka ku dhaco, oo uu nooceedu yahay Airbus 320, ayaa si deg deg ah ugu dagtay garoon ay ciidamada cirka ee Ruushka ku leeyihiin magaalada Hmeimim ee waqooyiga-galbeed Suuriya, sida ay wasaaradda shegetay.

In ka badan 172 ruux oo rakaab ah ayaa xilligaas saarnaa diyaaraddan.

Israa’iil wax war ah kama aysan soo saarin duqeymaha dhacay Khamiistii, base waxay xustay inay boqollaal duqeymo ah ka fuliyeen gudaha Suuriya dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, iyagoo ku bartilmaameedsanayay fariisimo ay leeyihiin maleyshiyaad taageero ka heysta Iiraan.

Waxay sidoo kale mas’uuliyiinta Israa’iil sheegeen inay wiiqayeen awoodda ay Suuriya kusii yeelanayaan xoogagga Xisbullah ee ay taageerto dowladda Iiraan.

.
Muuqaal ay shaaciyeen warbaahinta ayaa lagu arkayay qarax daba socday weerarka lagu eedeeyay diyaaradaha dagaalka ee Iisraa’iil

Israa’iil ayaa wacad ku martay inaysan oggolaan doonin in Iiraan, oo cadowgeeda ugu weyn ah, ay awood qota dheer oo dhinaca milatariga ah kusii yeelato Suuriya, taasoo xukuumadda Tel Aviv ay u aragto isku day ay Iiraan iyo maleyshiyaadka taabacsan ku hareereynayaan Israa’iil.

Wali lama shaacinin dalalka ay u kala dhasheen dadkii saarnaa diyaaradda khatarta weyn gashay.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegay in diyaaraddaas ay kasoo duushay magaalada Tehran ee caasimadda u ah dalka Iiraan. Warar horay usoo baxayna waxay sheegeen in diyaaradda asal ahaan laga leeyahay Ruushka.

Muxuu sheegay Ruushka?

Igor Konashenkov, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka, ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay weerarradooda cirka ku beegaan xilliyada ay hawada ku jiraan diyaaradaha rakaabka ah, si ay ugu gabbadaan, ugana badbaadaan gantaallada ay isku difaacayaan ciidanka cirka ee Suuriya, marka ay howlgalladaas socdaan.

Arrintan, ayuu sheegay, “inay khatar galineyso boqollaal qof oo ah shacab aan waxba galabsan”.

Khariidadda Suuriya

Xukuumadda Moscow ayaa xulafo weyn la ah dowladda Suuriya ee uu madaxweynaha ka yahay Bashaar al-Asad.

Bishii September ee sanadkii 2018-kii, 15 askari oo Ruush ah ayaa dhintay ka dib markii ay ciidamada cirka ee Suuriga si kama’ ah gantaal ugu dhufteen diyaaraddooda, xilli ay ka jawaabayeen howlgal duqeyn ah oo ay fulinayeen diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil.

Warkan kasoo baxay Ruushka ayaa yimid hal bil ka dib markii ay 176 ruux oo rayid ah ku dhinteen diyaarad rakaab ah oo ay ciidamada Iiraan si khaldan gantaal ugu dhufteen, wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka magaalada Tehran.

Diyaaraddaas oo laga lahaa Ukraine ayaa dhexda u gashay xiisaddii dagaal ee u dhaxeysay Iiraan iyo Mareykanka.

Muxuu ahaa bartilmaameedka duqeyntii Khamiista?

Hay’adda kormeerta xaaladda Suuriya ee uu fadhigeedu yahay UK, una doodda xuquuqda aadanaha ee Suuriya, ayaa sheegtay in duqeyntii Khamiista dhacday lagu beegsaday fariisimo ay leeyihiin maleyshiyaadka ay taageerto Iiraan, oo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, halkaasna lagu dilay 23 ruux.

Hase ahaatee wakaaladda wararka ee dowladda Suuriya ee Sana ayaa sheegtay in 8 ruux uun lagu dhaawacay duqeyntaas.

Iiraan iyo kooxaha ay taageerto, oo ay ka mid tahay Xisbullah, ayaa si buuxda u garab taagan madaxweyne Bashaar al-Asad, iyagoo ku caawinaya dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda tan iyo sanadkii 2011-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here