Diyaarad sidday 100 qof oo ku burburtay Kazakhstan

diyaarad burburtay

Diyaarad ay saarnaayeen 100 qof ayaa ku burburtay dalka Kazakhstan, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Waxay sheegeen in diyaaradda Bek Air ayaa soo dhacday wax yar un kaddib markii ay saakay ka duushay garoonka Almaty.

Weriye goobta ka agdhowaa ayaa sheegay in qiiq uu dbaoolay halka ay diyaaraddu ku dhacday. Maamulka garoonka ayaa sheegay inay jiraan dad badbaaday.

Diyaaradda oo ka timid Almaty, oo ah magaalada ugu weyn Kazakhstan, ayaa ku socotay caasimadda dalkaas ee Nur-Sultan. Waxa sababay burburka diyaaradda ayaanan weli la ogeyn.

Garoonka Almaty ayaa sheegay in 95 rakaab ah iyo shan shaqaale ah ay saarnaayeen diyaaradda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in diyaaraddu ay xakamaha lumisay abbaarihii 07:22 xilliga dalkaas (01:22 GMT), kahor inta aysan ku dhicin dhisme labo dabaq ka koobnaa.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa haatan halkaasi ku sugan, iyadoo guddi gaar ah loo saari doono baaritaanka waxa sababay burbruka.

Madaxweynaha Kazakhstan Qasym-Jomart Toqayev ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday musiibadaas.

Bek Air ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1999, iyadoo duullimaadyo heer sare ah sameyneysay, sida lagu adabacay barta diyaaradda ee internet-ka. Maalmihii la soo dhaafay, shirkadda ayaa sheegtay inay tahay diyaaradda ugu qiimaha jaban Kazakhstan.

Ma aha burburkii diyaaradeed ee ugu horreeyay ee ka dhacay dalkaas – 29-kii January 2013, diyaarad rakaab oo ka soo duushay magaalada waqooyiag dalkaas ku taalla ee Kokshetau ayaa ku soo dhacday meel u dhow Almaty, iyadoo ay ku dhinteen 20 qof.

Bil ka horna, 27 qof ayaa dhintay kaddib markii diyaarad milatari oo sidday saraakiil sarsare oo ciidammada ammaanka dalkaasi ka tirsan ay ku burburtay koofurta dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here