Diyaarad uu Mareykanka leeyahay oo daandaansatay mid Iran ay leedahay

Mahan Air

Warbaahinta dalka Iiraan ayaa soo tabiyay in diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ay si khatar ah ugu soo dhawaatay diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay Iiraan, taasoo mareysay khadka hawada ee Suuriya – inkastoo sheegashadaas uu beeniyay Mareykanka.

Wakaaladda wararka Iiraan ee Irib – oo ku hadasha afka dowladda – ayaa sheegtay in duuliyihii diyaaradda Mahan Air uu ku khasbanaaday inuu si deg deg ah u baddalo heerkii uu ku duulinayay diyaaradda, taasoo sababtay in ay dhaawacmaan qaar ka mid ah rakaabka.

Muuqaal ay shaacisay Irib ayaa muujinaya hal diyaarad oo laga arkayo daaqadda diyaaradda Iiraan iyo mid ka mid ah rakaabka oo uu wajigiisa dhiig ku yaallo.

Hase yeeshee, milatariga Mareykanka ayaa goor dambe sheegay in diyaaraddooda, oo nooceedu yahay F-15, ay masaafe nabdoon u jirtay tan Iiraan.

“Diyaaradda Mareykanka ee nooceedu yahay F-15, oo roondadeeda caadiga ah ku jirtay, kuna duuleysay hawada Suuriya, waxay si caadi ah u cabirtay masaafaha ay isu jireen iyada iyo diyaaradda rakaabka ah ee Mahan Air, wax khatar ahna ma jirin – labada diyaaradoodna waxay isu jireen qiyaastii 1,000 mitir,” ayaa lagu yiri bayaan uu Khamiistii soo saaray Kabtan Bill Urban, oo ah afhayeenka taliska dhexe ee Mareykanka.

Wuxuu sheegay in cabirkaas ay sameeyeen saraakiisha milatariga ee ku sugan saldhigga Mareykanka ee ku yaalla al-Tanf, oo u dhow xadka Ciraaq iyo Urdun.

“Islamarkii uu duuliyaha diyaaradda F-15 aqoonsaday diyaaradda rakaabka ah ee Mahan Air, wuxuu ka fogaaday masaafe aan wax dhibaato ah keeneynin,” ayuu afhayeenka raaciyay bayaankiisa.

Mahan Air, oo ka duushay magaalada Tehran, kuna wajahneyd magaalada Beyruut, ayaa si nabad ah u caga dhigatay garoonka caasimadda Lubnaan.

Mahan Air waa diyaarad si gaar ah loo leeyahay oo Iiraan laga aasaasay sanadkii 1991-kii
Qoraalka sawirka,Mahan Air waa diyaarad si gaar ah loo leeyahay oo Iiraan laga aasaasay sanadkii 1991-kii

Wali lama oga tirada dadka rakaabka ah ee saarnaa diyaaraddan iyo waliba shaqaalaheeda.

Kaddib markii shidaal lagu shubay, waxay diyaaraddu maanta oo Jimce ah dib ugu duushay magaalo madaxda dalka Iiraan ee Tehran.

Wararkii hore ee ay tabisay wakaaladda Irib ayey ku sheegtay in in dhacdadaas ay ku lug lahaayeen labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay Israa;iil.

Balse saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee Israa’iil ayaa warbaahintooda maxalliga ah u sheegay “in Israa’iil aysan wax lug ah ku lahayn dhacdadaas”.

Map
Presentational white space

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, oo lagu magacaabo Abbas Mousavi, ayaa sheegay in Iiraan “ay baaritaan ku waddo” dhacdadaas, isagoo intaasna ku daray “in tallaabooyin dhinaca siyaasadda iyo sharciga ah la qaadi doono”.

Xiisadaha u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareeray sanadkii 2018-kii, markii uu madaxweyne Donald Trump meesha ka saaray heshiiskii dhinacyada badanaa ee xakameynta hubka nuclear-ka Iiraan.

Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, labada waddan waxay isku eedeynayeen inay sameynayeen ficillo caro abuuraya oo mid walba uu ku hor istaagayo danaha uu kan kale ku leeyahay gobolka.

Mahan Air waa diyaarad si gaar ah loo leeyahay oo ka howl gasha dalka Iiraan, waxaana markii ugu horreysay la aasaasay sanadkii 1991-kii.

Mareykanka ayaa sanadkii 2011-kii cunaqabateyn kusoo rogay dhaqdhaqaaqyada diyaaraddaas, isagoo ku eedeeyay inay taageero dhaqaale, mid qalab iyo mid tiknoolojiyadba siiso ciidamada milatariga Iiraan.

Sanadkii 2019-kii, dhowr waddan oo reer Yurub ah ayaa dalalkooda ka mamnuucay diyaaraddaas, iyagoo u diiday inay garoomadooda kasoo caga dhigato.

Baaritaan ay dhawaan sameysay BBC Carabi ayaa lagu ogaaday in diyaaraddan ay kaalin weyn ka qaadatay fiditaanka cudurka Covid-19 ee gobolka Bariga Dhexe, iyadoo duullimaadyadeeda caadiga ah kasii wadday waddamo soo rogay xayiraadda dhinaca duullimaadka ah iyo dhaqdhaqaaqyada diyaaradaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here