Diyaaradaha dagaalka Kenya oo xalay duqeeyey dad shacab ah oo ku dhaqan Gobolka Gedo

duqeyn diyaarad

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa xalay duqaymo culus ka fuliyay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degaankaas.

Duqaymaha ayaa khasaare kala duwan gaarsiiyay dadka reer miyiga ah oo ku nool baadiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararku waxay sheegayaan in duqaymahan oo ka dhacay degaannada Warbeele iyo Samaroole ay khasaare gaarsiiyeen dadka rayidka ah inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Dowladda Kenya ayaa marar kala duwan lagu eedeeyay in ay duqaymo la beegsato shacabka Gobolkaas iyadoo sheegaysa in ay Al-shabaab beegsanayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here