Diyaarado duqeyn ka geystey degmooyinka Saakow iyo Bu’aale

AlShabaab drone

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn loo adeegsaday diyaarado xalay lagu burburiyay  gaadiid ay Alshabaab ku diyaarinayeen qaraxyo la qorsheynayay in laga geysto magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa la sheegay in lagu qaaday xaafado ku yaal degmooyinka Saakow iyo Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale duqeyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun lagu tababari jirey maleeshiyada Al-Shabaab.Illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay duqeymahan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la maqlay illaa 7 duqeyn loo adeegsaday gantaallo iyadoo la arkay holac iyo uuro ka baxayay goobaha la duqeeyay.

Lama oga halka laga lahaa diyaaradaha duqeeyay labadan magaalo balse diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska loo yaqaan ayay ciidamada Maraykanka u adeegsadaan duqeynta lala beegsado ururka Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here