Djibouti: Xisbiyada Somaliland oo ku kala aragti duwan kulanka M Farmaajo iyo Biixi

cirro faysal muuse

Kulan heer sare ah ayaa la filayaa in uu maalinta berrito ah uga furmo Jamhuuriyadda Djibouti wufuud heer sare ah oo ka socda Somaliland iyo Soomaaliya oo wada xoojoodkoodii waayadan ba la hadal hayey uu kulan hor dhac u ahi ka furmayo dalkaas.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa goor dhawayd xafiiskiisa kula shiray madaxda labada xisbi qaran ee Somaliland, waxaanu kala xaajooday oo soo hor dhigay qorshaha wadahadallada labada dhinac uga furmi doona maalinta berrito ah dalka Djibouti.

Xogo lagu kalsoonyahay oo ay BBC-du heshay ayaa xaqiijiyey in labada xisbi ee mucaaradka ahi ku kala aragti duwanaadeen warkaa madaxweynuhu siiyey.

Xisbiga Waddani ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha ee ah ka qayb galka shirkaas, waxaanu xisbigu sheegay in ay Madaxweynaha u daba fadhiyaan hawlaha wadahadallada. Balse wixii dhaliil iyo taageero ah ee ay ka odhan doonaan oo kaliya wixii ka soo baxa shirkaas ee ay arkaan.

“Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya maanta may bilaabin. Laba kun iyo koobiyo tobankii xukuumaddii aan ka midka ahaa ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa bilowday. Waxaana isku waafaqay goleyaasha qaranka Somaliland, hadday noqdaan kuwa xeer dejinta iyo fulinta, golaha dhaqanka xisbiyada qaranku horena waa uga qayb qaateen waana Idhoosgareeyeen arintaa iyada ah way waafaqeen. Waxaanu u aragnaa wax kasta oo danta qaranka Somaliland lagu raadinayo iyo gole kasta oo danta qarana Somaliland laga raadinayo in laga qayb galo. Maandhaytkaa waxaa iska leh xukuumada marba markaa joogta, iyadaana laga rabaa hawshaa iyada ah cidii ay kala maarmi weydo ay u yeedhato oo ay waydiiso wixii talo ah ee ay waydiinayso iyada oo ilaalinaysa xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaal” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo BBC-da la hadlay.

Cabdirisaaq Khaliif waxa kale oo uu sheegay in aanu xisbigiisa ka codsanin in xubno ka tirsani raacaan iyaguna aanay ka codsanin. Waxase uu xaqiijiyey in berito ay bixi doonaan weftiga madaxweynaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Wasiirka Ganacsiga iyo Edna Aadan Ismaaciil oo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan xukuumadda.

Dhanka kale, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu ku dooday in aan arrimaha culayskaa leh aanu Madaxweynuhu keligii go’aankooda lahayn oo ay lagama maarmaan tahay in ay ka qayb galaan.

“Aniga jeermaan ahaan mawqifkaygu waxa weeyi horena waan uga soo horjeeday horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn. Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland.” Ayuu yidhi Faysal Cali waraabi oo muujinayey sida ay uga soo horjeedaan in Somaliland shirkaa ka qayb gasho.

Xogo kale oo aanu ka hellay dhinac xukuumadda Soomaaliya, ayaa iyaguna noo xaqiijiyey in qorshuhu yahay in Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u duulo magaalada Djiobouti maalinta berri ah.

Waxay xogaha aanu dhankaa ka hellay intaa ku dareen in madaxweynaha wafitigiisa ay ka mid noqon doonaan Ra’isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.

Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa hore u sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadallada laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen.

Labada dhinac ayaa muddooyinkii u dambeeyey midba kan kale ku eedaynayey masuuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa.

Ilaa haatan labada dhinac midkoodna kama soo saarin war faahfaahsan oo ku saabsan arimaha lagu gorfayn doono, hase yeeshee dadka arimaha siyaasadda Soomaalida falanqeeyaa waxay sheegayaan in aan la saadaalin karin in wax weyni ka soo bixi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here