Donald Trump Jr: Wiilka ka daran aabihii Trump

Habeenkii ugu horreeyay ee shirweynaha xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka, curadka madaxweyne Trump ee lagu magacaabo Trump Jr, ayaa aad uga hadlay shirka isagoo isku dayayay inuu soo jiito quluubta dadka Mareykanka.

“Siyaasadaha Trump ee dhaqaalaha Mareykanka ayaa ahaa kuwa aad u heer sarreeya,” ayuu yiri Trump Jr xilli uu jeedinayay khudbadiisii shirka. Wuxuu aad ugu dheeraaday ammaanta hogaaminta aabihii.

Waxa uu sidoo kale dhaliilo u jeediyay Joe Biden oo aabihii kula loolami doono doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November ee sannadkan.

“Siyaasadaha Biden waxay wiiqi doonaan dhaqaalaha dib loo soo kabay,” ayuu yiri Trump Jr. Waxa uu ka digay in Dimuqraadiyiinta ay meesha ka saari doonaan siyaasadihii dhaqaale ee uu aabihii sameeyay.

Mr Trump campaigns for his father at a gun store in Maine in 2016
Qoraalka sawirka,Trump Jr oo ku sugan meel hubka lagu gado oo aabihii uu uga ololeynayo

Taageerayaasha Donald Trump Jr, ayaa sheegaya in hadalladiisa ay kaalin weyn ka qaadan doonaan dib usoo doorashada aabihii, halka dadka isaga dhaleeceeya ay sheegayaan in uu xaaladda uga sii darayo.

Khudbaddiisii waxaa ka muuqday hadallo adag oo uu ku weeraray wiilka uu dhalay Joe Biden ee Hunter Biden.

Wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay taageerayaashaa aabihii, kuwaas oo intooda badan ku nool qeybo ka mid ah baadiyaha dalka Mareykanka.

Kaalintiisa waxay tahay in uu meelaha ololaha ka hadlo, waxaana hadallladiisa inta badan ka dhex muuqda magaca aabihii Trump. Waxaa loogu yeeraa xidigga adag.

Lawrence Levy, oo ah madaxa Jaamacadda Hofstra, ayaa sheegaya in Wiilka Trump uu aabihii u yahay qareenka u qaabislan dhanka ololaha, waxayna taasi u horseedi kartaa in loo dhiibo jago weyn.

Isaga iyo xaaskiisii hore, Vanessa Haydon, waxay isu dhaleen shan caruur ah. Haatanse saaxibaddiisa Kimberly Guilfoyle, waxay kaalin weyn ka qaadaneysaa dhaqaalo uruurinta oo waxay ka mid ah saraakiisha ololaha.

Donald Trump Jr and his girlfriend, Kimberly Guilfoyle, sitting next to each other
Qoraalka sawirka,Kimberly Guilfoyle oo saaxiib la ah wiilk trump ayaa sidoo kale ka hadlaysa shirwaynaha xisbiga Jamhuuriga.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimaha wiilkiisa oo madax ka ah shirkadda Trump. Isagoo ka jawaabayay su’aasha ah in weli uu wiilkiisa yar yahy wuxuu yiri: “Waa wiil wanaagsan mustaqbalkiisuna wanaagsan yahay.”

Sida ay sheegeysa Lawrence Levy, oo ka tirsan Jaamacadda Hofstra, wuxuu Trump Jr leeyahay musqtaqbal wanaagsan oo meel fog gaari kara.

“Khubadihiisa aad ayay u wanaagsan yihiin. Wuxuu caan ka yahay gobollada dalka. Haddii uu doonayo inuu noqdo xubin ka mid ah Aqalka Congress-ka, wuu ku guuleysan karaa.”

Guulihiisa mustaqbalka waa kuwa iftiimaya, haddii uu aabihii ka caawiyo inuu doorashada ku guuleysto. Hadda ilaa iyo bisha Novembar, isaga iyo aabihiiba waxay ku daadalayaan inay Aqalka Cad dib ugu soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here