Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu amray in la sameeyo “Beer Qaran oo ku magacaaban Halyeeyada Ameerika” si looga difaaco waxa uu ugu yeeray “taariikhdeenna qaran ee wayn” dadka burburinaya tallooyinka.
Amarkiisan ayaa waxa uu dhigayaa in muddo 60 cisha ah lagu keeno qorshe dhammeystiran oo uu ku jiro deegaanka beerta laga sameynayo.
Waxa uu ku adkaynayaa in taalooyinka cusub ay noqdaan kuwo dabiici ah.
Tan iyo markii ay boolisku bishii May dileen George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubaysnayn ayaa waxaa dhulka la dhigay tiro taalooyin ah oo ku yaal dalka Mareykanka.
Taalooyinka lala xiriiriyay dadkii adoonta lahaan jiray waqtigii dagaalka sokeeye ee Mareykanka ayaa si gaar ah dalka oo dhan loogu bartilmaameedsaday kaddib dibadbaxyadii ka dhashay dilkii Floyd loogu gaystay magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, kaddib markii askari boolis ah oo caddaan ah uu qoorta kaga taagnaa ku dhawaad sagaal daqiiqo.
Madaxweyne Trump ayaa waxa uu difaacay astaamihii Mareykanka ee qeybta ka ah dhaxalka dalkaas.
Khudbad uu Maalinta Xorriyadda ka jeediyay Mount Rushmore, ayaa waxa uu ku dhaleeceeyay dibadbaxyada loogaga soo horjeedo cunsuriyadda ee lagu burburinayo taalooyinka.
Waxa uu sheegay in dhaxalka qaranka Mareykanka uu halis ku jiro, isagoo si xasaasi ah u diray baaq wadaniyadeed.
Beerta – waxa ay noqon doontaa goob leh qurux dabiici ah oo u dhaw magaalo – ayaa waxaa la furi doonaa 4-ta July 2026, waxaa sidaas lagu sheegay amarka madaxweyne Trump. Mas’uuliyiinta gobolka iyo hay’adaha dowladda ayaa waxaa lagu casuumay inay taalooyin beerta u keenaan.
Dookha Madaxweyne Trump ee shakhsiyaadka taariikhda galay ayaa waxaa lagu xusi doonaa beertaas oo ay u badan tahay inuu muran badan ka dhalan doono.
Shaxda dadka Mareykanka ah eel eh “taariikhda muhiimka ah” ayaa waxaa la saadaalinayaa inay ka mid noqon doonaan sida raggii dalkaas aasaasay ee George Washington iyo Thomas Jefferson, hasayeeshee ragga uu ka midka yahay Davy Crockett, baadariga masiixiga ee Billy Graham, Ronald Reagan iyo halyeeyadii Dagaalkii Labaad ee Adduunka Douglas MacArthur iyo George Patton.
Sidoo kale waxaa taalooyin meesha looga sameyn doonaa dadkii u ololayn jiray xuquuqda Afrikaan Ameerikaanka ee kala ah Harriet Tubman iyo Martin Luther King Jr.
Arrinta layaabka leh ayaa ah in Mr Trump uu taalooyinka ku darayo dad aanan Mareykanka u dhalan kuwaas oo uu sheegay “inay qeyb lixaad leh ka qaateen taariikhda soo helista, horumarinta, iyo xorriyadda mustaqbalka Mareykanka”.
Marka beerta waxaa lagu dhex dhisi doonaa taalooyinka Christopher Columbus, Junipero Serra iyo Marquis de Lafayette.
Columbus iyo haweeneyda u dhalatay Spain ee masiixiga ah ee Serra ayaanay dadka Mareykanka loogu tegay halyeeyo u ahayn, sababtoo ah “helitaankooda” dhulkaas waxa uu horseeday adoonsiga iyo kutumashada xuquuqda dadkii dhulkaas lahaa oo ay sida ay rabaan ka yeesheen gumaystihii caddaanka ahaa.
Horumarkii ugu horreeyay ee dhaqaalaha Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu ku tiirsanaa adoonsiga – halkaas oo qaar ka mid ah halyeeyada qaranka Mareykanku ay shaki badan ka qabaan qaar ka mid ah Afrikaan Ameerikaanka.
Taalada Marquis de Lafayette, oo u dhashay Faransiiska ahaanna jiray taliye milateri, ayaa waxa uu hogaamiyay ciidammada Mareykanka dhowr dagaal oo muhiim ah oo ka dhan ahaa Britishka xilligii kacaankii Ameerika.
Muxuu Madaxweyne Trump ku sheegay khudbaddiisa?
Waxa ay aheyd khudbad si habeysan looga soo shaqeeyay oo ka dhacday taallada Mount Rushmore, ee South Dakota, taas oo buurta ku taal lagu sawiray wajiyada afar madaxweyne oo Mareykanka soo maray, laba ka mid ah George Washington iyo Thomas Jefferson – kuwaas oo adoon lahaanjiray.
Taallada ayaa sidoo kale waxa ay ku taal dhul laga qaatay dadkii Mareykanka loogu tegay ee Lakota Sioux halkaas oo ay dowladda Mareykanka la wareegtay sanadihii 1800.
Madaxweyne Trump ayaa dhaleeceeyay “dhaqanka burburinta” ee lagula kacay taalooyinka la burburiyay intii ay socdeen dibadbaxyadii loogaga soo horjeeday cunsuriyadda ee dhawaanahan dhacayay.
Waxa uu cambaareeyay dadka bartilmaameedsaday taalooyinka.
Mr Trump ayaa dibadbaxayaasha waxa uu ku eedeeyay “olole arxandarra ah oo lagu burburinayo taariikhyada, lagu aflagaadaynayo halyeeyadeenna, qiyamkeenana lagu baabi’inayo, laguna luminayo carruurtayada”. “Ma aamusnaan doonno,” ayuu ku daray.
Madaxweynaha, oo si xooggan loogu dhaleeceeyay sida uu ula tacaalay cudurka safmarka ah ee fayraska korona, ayaa si kooban u soo hadalqaaday cudurka galaaftay nolosha 130,000 oo qof oo Ameerikaan ah.
Mareykanka ayaa Jimcihii waxa uu diiwaangeliyay sare u kaca tiradii ugu badneyd ee maalin qura ee xaaladaha fayraska korona, taas oo wadarta tirada guud ka dhigtay in ka badan 2.5 milyan, tiradaas oo ah tan ugu badan markii hal hal dal la fiiriyo.
Walxahan afka lagu xirto iyo kalafogaanshaha dadka ayaanay qasab ahayn xafladda ka dhacday Mount Rushmore, walow ay soo baxayeen digniino ay soo saarayeen saraakiisha caafimaadka.
Kooxaha dadka asal ahaan u dhashay Ameerika ayaa waxa ay booqashada Mr Trump ku dhaleeceeyeen inay horseedi kartay halis caafimaad, iyo weliba inuu xorriyadda Mareykanka ku xuso goob ay iyagu qadariyaan.
Dad badan oo ah dadka ahaan loogu yimid Mareykanka ayaanan dabaaldegin Maalinta Xorriyadda maadaama ay la xiriiriyaan adoonsiga qowmiyadahooda iyo in ay lumiyeen xorriyaddii ay dhaqankooda ku haysteen.