Donald Trump oo ku dhawaaqay inuu dhintay Hoggaamiyihii Daacish, xilli uu is qarxiyay

trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in la dilay Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, kaddib howlgal ay Ciidamada Milateriga Mareykanka ka fuliyeen waqooyiga dalka Suuriya.

Donald Trump oo goor dhow Wariyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in Abuubakar Al-Baqdaadi uu u dhintay sidii Eeygi oo kale oo aanu sidii geesi oo kale u dhiman sida uu yiri.

Trump ayaa sheegay inay muddo todobaadyo ah ay ku raad-joogeen Al-Baqdaadi waxaa uu boggaadiyay Ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalka, waxaana uu intaa ku daray in illaa 8 Helicopter ay ka qeyb qaateen howlgalkaas.

Abuubakar Al-Baqdadi ayaa la sheegay inuu is qarxiyay, jaakad kuwa qaraxa ah, markii ay Ciidamada Mareykanka ku soo dhowaadeen goobtii uu ku dhuumaaleysanayay oo ahaa dhulka hoostiisa, kaddib duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen goobtii uu ku sugnaa.

Baqdaadi ayaa sanadkii 2014 ku dhawaaqay Khilaafo islaami ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya, xilligaasoo Kooxda uu hoggaamiyo ee ISIS la wareegtay inta badan labadaas dalal, kana fulisay dilal badan iyo weeraro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here