Donald Trump oo u hanjabay diblomaasi Mareykan ah

safiirka usa ukraine

Safiir hore oo Mareykan ah, qeybna ka ahayd qorshaha xil ka qaadista Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegtay in ay dareentay in uu u hanjabay Madaxweynaha, xilli uu taleefonka kula hadlayay dhiggiisa dalka Ukraine.

Haweeneydan oo horay usoo nooqtay safiirkii Mareykanka ee dalka Ukraine, laguna magacaabo Marie Yovanovitch ayaa kulan ay albaaba u xiran yihiin oo ay la yeesheen xubnaha aqalka Kongreska, waxay ku sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay hadalka Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhiggiisa dalka Ukraine u yiri: “Hagaag, [Ms Yovanovitch] waxay mari doontaa wadadii oo kale.”. Arrintaas ayaa warbaahinta qaar ee Mareykanka ay u fasireen in uu doonayay in uu shaqada ka ceyriyo.

Xisbiga dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa baahiyay qeybtii ugu horeysay ee codka Trump oo qoraal laga dhigay.

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu cadaadis saaro dalka Ukraine, si ay baaritaan ugu sameeyaan eedeymo musuqmaasuq oo la sheegay in uu ku kacay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden iyo wiil uu dhalay, kuwaas oo usoo shaqeeyay shirkadda Gaaska ee Ukraine.

25-kii bishii Luulyo ee sannadkan, xiligaas oo ay khadka taleefoonka ku wada hadleen labada Madaxweyne ayaa aqalka cad wuxuu baahiyay qoraal aan dhameystirneyn oo ku saabsanaa arrintan, wuxuuna Trump Ms Yovanovitch ku tilmaamay “qof aan u wanaagsaneyn”.

Wicitaankaas khadka taleefoonka ayaa dhaliyay in uu bilawdo qorshaha xil ka qaadista Trump, taas oo keeni karta in soo jeedin xil ka qadis ah la meelmariyo.

Sidee Yovanovitch uga falcelisay wadahadalkii labada Madaxweyne?

.
Trump

11-kii Oktoobar, mar ay qiraal bixinesay waxay haweeneydan sheegtay in ay aad ula yaabtay waxa uu Madaxweynaha ku hadlay.

“Ma garanayo waxa ay ka dhigan tahay, ” ayay tiri Yovanovitch oo sheegtay in ay aad uga waalaacsan tahay hadalkaas Trump ka soo yeeray.

Markii ay arrintan lasoo gudboonaatay ayay Yovanovitch, wadahadal iyo talo ugu tagtay safiirka Mareykanka ee EU, Gordon Sondland, sida ay sheegtay, oo ay u sheegtay in uu ku yiri ‘bartaada twitter-ka ku amaan Madaxwenaha, haddii aad dooneyso in aad sii shaqeyso’.

Waxay sheegtay in loogu baaqay in baaritaanka Joe Biden ay gacan ka geysato ama ay iska galbato, balse shaqsi ahaan ay u cuntami weyday arrintan.

Ms Yovanovitch ayaa intaa ku dartay in qareenka gaark ah ee Madxaweyne Trump, Rudy Giuliani, uu bilaabay olole lagu sumcad dilayo dhamaadkii sannadkii hore, waxayna sheegtay in qareenka uu ahaa nin si aad ah faraha ugu la jiray siyaasadda Mareykanka ee dalka Ukraine.

Mr Giuliani ayaa doonayay in uu baaritaan ku sameeyo Joe Biden, si uu u waxyeeleeyo sumcadiisa kahor doorashada Mareykanka, waxaana sidoo kale dacwad-oogaha dalka Ukraine uu ugu baaqay in uu faafiyo been abuur ka dhan ah Ms Yovanovitch, si uu u wxayeeleeyo sumcadda ay ku leedahay dalka Mareykanka.

Maxay u dareentay in la handaday?

.
Trump ayaa cadaadis kala kulmaya Kongreska

Waxay sheegtay in uu u digay wasiirka cadaaladda ee dalka Ukraine, wuxuuna igu yiri aya tiri: ‘Waxaad u baahan tahay in aad gadaashaada eegto’.

Trump ayaa ku amray in ay dib ugu labato Mareykanka, sida ay xaqiijisay Yovanovitch, oo Safiir ka ahayd Ukraine.

Waxaa kale oo ay sheegtay in qareenka gaarka ah ee Madaxweyne Trump uu damcay in uu dal ku gal dalxiis uu u raadiyo mid ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska dacwad-oogaha, oo lagu magacaabo Viktor Shokin, kaas oo horay loogu diiday dal ku galka Mareykanka, ka dib markii uu ku lug lahaa falal musuqmaasuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here