DOORASHADA KENYA IYO MUSHARAX WILLIAM RUTO OO KU HORREEYA

kenya election

Waxaa weli socota tirinta codadka doorashadii madaxweyne ee Talaadadii ka dhacday dalka Kenya, ayada oo weli uusan jirin musharax si la taaban karo ugu hormaray natiijada.

Qiyaastii waxaa codeeyey 14 milyan oo Kenyan ah, si uu u guuleysto wareegga hore, murashaxu waa inuu helo 50% lagu daray hal ee codadka la dhiibtay iyo ugu yaraan 25% codadka 24 ka tirsan 47 deegaan.

Ilaa hadda codadka la tiriyey natiijadii ugu dambeysay waxaa loo kala helay.


MurashaxCod
William RutoWilliam Ruto53%
Kenya Kwanza Alliance
Codad:3,450,846
Ugu yaraan 25% codadka waddanka6/47
Raila OdingaRaila Odinga46.4%
Azimo la Umoja Coalition
Codad:3,024,050
Ugu yaraan 25% codadka waddanka6/47
George WajackoyahGeorge Wajackoyah0.4%
Xisbiga Roots
Codad:26,794
Ugu yaraan 25% codadka waddanka0/47
David MwaureDavid Mwaure0.2%
Xisbiga Agano
Codad:12,642
Ugu yaraan 25% codadka waddanka0/4

Haddii musharaxna uusan helin in ka badan 50% codadka, waxaa dhici doono wareeg doorasho oo kama dambeys oo kala bax ah, oo ay ku loolami doonaan Ruto iyo Odinga kaliya.

Guddiga doorashada Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa laga doonayaa inay natiijada rasmiga ah ku dhowaaqaan ugu dambeyn 16-ka August.

Inta badan shacabka Kenya ayaa filaya in Ruto iyo Odinga midkii laga guuleystaba uusan natiijada aqbali doonin isaga oo aan ka loolamin, sababtoo ah Kenya kama dhici doorasho aan muran iyo loolan xigin tan iyo 2002.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here