Dooxa: Khayre oo la kulmay mas’uul sare

kheyre iyo wad qatar4

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, ahna Wasiirka arrimadda dibadda dalkaas, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray labada mas’uul looga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga.

Dowladda Qadar ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku jooga safar aan horay loo shaacin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here