Dowlada Soomaaliya oo sheegatay howlgalo lagu diley saraakiil Alshabaab ka tirsanaa

AlShabaab drone

Dowlada Soomaliya ayaa sheegtay in howlgalo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka laga fuliyey deegaano ka tirsan koofurta Soomaaliya.

Sida lagu daabacay wakaalada wararka SONNA howlgaladan ayaa la fuliyay 28ka iyo 29ka bishan iyadoo lagu diley saddex ka mid ah saraakiisha Alshabaab..

Howlgaladan ayaa la sheegay in laga fuliyay deegaanka Cali Barrow iyo Kuunya Barrow iyadoo aysan dad rayid ah wax ku noqon sida lagu sheegay warbixinta lagu daabacay bogga SONNA.

Si kasta ha ahaatee, howlgaladan ayaan la sheegin nooc ay ahaayeen mana jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada dowlada ee howlgalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here