Dowladda federaalka oo war cusub kasoo saartay howl-galo ay wadaan ciidamada

astaanta ciidanka Xoogga Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay howl-galo ay ciidanka xooga dalka ka wado deegaano ka tirsan maamulka Galmudug, oo muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaaladooda amaan.

Wasiirka Gaashaandhiga, Xasan Xuseen Xaaji ayaa bogaadiyey guulo uu sheegay inay soo hooyeen ciidamada qaranka, oo uu ku amaanay gacanta ay ka geeysteen xoreynta dalka.

Waxa uu shaaciyey in ciidamada dowladda ay saaka howl-galo kula wareegen deegaano horleh oo ka tirsan Galgaduud ee maamulka Galmudug, kuwaasi oo hore gacanta ugu jiray dagaal-yahanada Al-Shabaab.

“Geesiyaasha naftood hurayaasha ah ee qarankeena waxay saaka la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud, maamulka, shacabka iyo mas’uuliyiintii gacanta ka geestay xoreynta goobahaas waa ku mahadsanyihiin,” ayuu yiri

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ka codsanayaa in ciidamada xooga dalka ay ku garab istaagaan.”

Ciidamada xooga dalka ayaa howl-galo ay sameeyen saaka kula wareegay deegaanada Labi-dulle iyo Dhabana –dhulkuheys oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay hore uga talin jirtay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here