Dowladda Hoose ee Xamar oo soo bandhigtay hab cusub oo canshuuraha lugu qaadayo

xarunta gobolka banaadir

Doowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta soo bandhigtay gaadiid ka qeyb qaadan doona wacyi galinta canshuur bixinta iyo la macaamilka dadka ka hor yimaada bixinta canshuuraha ku waajibay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah furay olole casri ah oo dowladda Hoose ee Xamar ka saacidaya habka canshuur aruurinta, waxaana la bedalay qaabkii horay looga qaadi jiray.

Ayaan Cabdi Maxamuud oo ah agaasimaha canshuuraha dowladda Hoose ee Xamar ayaa faah-faahin ka bixisay ololaha cusub.

“Gaadiidkan waxey ka howlgali doonaan afarta qeyb oo ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho si ay wacyigaliyaan bulshada islamarkaana loo dardargaliyo qaadista Canshuuraha kala duwan ee daqliga”.

Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa carabka ku adkeeyay iney la dagaalami doonaan musuqa hareeyay waaxda canshuraha.

“Bixinta Canshuuraha waxey ka turjumeysaa muwaadinimada waana waajib saaran qofkaste oo muwaadin ah, kamaamul ahaan waxaa naga go’an la dagaalanka Musuq-Maasuqa”.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa muwaadiniinta Soomaalida ah gaar ahaan dadka Muqdisho ugu baaqay iney fududeeyaan bixinta canshuuraha si loo hirgaliyo mashaariicda adeegyada Bulshada.

“Waxaan si xushmad kujirto ugu codsaneynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si dagan ku bixiyaan canshuurta ku waajibtay si aan dib iyaga ugu celino islamarkaana loogu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee bulshada, waan la xisaabtami doona cidkaste oo aan iska bixinin canshuurta ku waajibtay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here