Dowladda Iran oo qiratay inay soo riday diyaaraddii Ukraine

ukraine international

Dowladda Iran ayaa war cusub ka soo saartay diyaaraddii rakaabka aheyd ee Arbacadii la soo dhaafay ku dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Tehran ee Caasimada dalkaasi, taasi oo laga lahaa dalka Ukraine.

Telefishinka Qaranka Iran ayaa goor dhow baahiyey in si aan ula kac aheyn loo soo riday diyaaradaasi, islamarkaana uu ku dhacay gantaal si qalad ah loo ganay.

Sidoo kale war-murtiyeedka ka soo baxay milatariga Iran ayaa waxaa lagu sheegay in la ciqaabi doono cidda mas’uulka ka ah falkaasi.

Madaxweynaha dalka Iran, Hassan Rouhani oo sidoo kale ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay inay ka qoomameynayaan qaladkaan, kadib qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay aad uga qoomamaysaa qaladkan musiibada ah,Fikradayda iyo ducadaydu waxay aadaan dhamaan qoysaska murugaysan” ayuu yiri Rouhani

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing-737 ayaa waxaa laheyd shirkadda Ukraine International, waxaana saarnaa 176 ruux oo isugu jiray rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda oo shilkaasi ku geeriyooday.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo xiisada u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay cirka isku shareereyso, taas oo ka sii dirtay markii la dilay Jeneral Qasem Soleimani.

Iran ayaa dilkaasi kadib bilowday duqeymo ka dhan ah saldhigyada ciidamada Mareykanka iyo xarumaha uu ku leeyahay dalka Iraq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here