Dowladda Iran oo shaacisay inay sare u qaadday heerka uranium-keeda tayaysan

trump iyo rouhani

Dowladda Iran ayaa shaacisay inay sare u qaadday heerka uranium-keeda tayaysan. Arintan ayaa kusoo beegmaysa toddobaad kadib markii uu dalkaasi shaaciyay inuu jebiyay qodob kamid ah heshiiskii 2015-kii kaasoo ku aaddan xaddiga loo oggol yahay ee keydkiisa uranium-ka ay tayadeedu hooseyso.

Go’aankan ay gaartay xukuumadda Tehran ayaa qeyb ka ah dadaalka ay ku dooneyso inay cadaadis ku saarto dalalka Yurub si ay uga khafiifiyaan cunaqabateynta Maraykanka ee wax u dhintay dhaqaalaha Iran.

Maraykanka ayaa horay uga baxay heshiiska nukliyeerka, waxaana uu cadaadis buuxa ku saarayaa Iran inay gasho wadaxaajood cusub oo lagu xakameynayo damaceeda nukliyeerka.

Wasiirka ku xigeenka arrimaha dibedda Abbas Araqch ayaa sheegay in Iran ay dhankeeda doonayso sii jiritaanka heshiiskan, balse aanay ilaa hadda helin wixii loo ballanqaaday.

Xuseen Ibish oo ka tirsan mac-hadka Maraykanka ee daraasaadka Carabta iyo Khaliijka ayaa sheegay in Iran ay si weyn u dareentay cunaqabateynta Maraykanka:

Dalalka Yurub ayaa doonaya inuu sii jiro heshiiska, balse waxaa kooban taageerada ay sii karaan Iran.

Waxa ay ku dhex wareereen Tehran iyo Washington.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Iran ayaa ka codsaday waqti dheeraad ah oo ay uga soo tashadaan arintan.

Dalalka Yurub ayaa ku dadaalaya inay ka hortagaan fashil ku yimaada heshiiska, balse haddii Iran ay sii wado inay jebiso qodobada, waxaa lagama maarmaan noqoneysa inay isaga baxaan.

Iiraan maxaa ku kallifay iney kor u qaaddo tayeynta Yuraaniyamka?

Horraantii bishii May, wuxuu mdaxweyne Trump cadaadis saaray Iiraan si ay uga badbaaddo cunaqabateyn kale oo uga timaadda dhanka Mareykanka kuwaas oo ku qotomay inaan Iiraan saliidda laga iibsan karin.

Cunaqabateyntaasi ayuu Mareykanka uga gollahaa inuu ku wiiqo awoodda dhaqaale iyo dakhliga Iiraan ka soo geli lahaa saliidda laga iibsado.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani wuxuu isla markiiba shaaca ka qaaday inuu dalkiisa ka baxayo ballaamihi uu ku galay heshiiski nukliyeerka.

Ruuxaani wuxuu sida oo kale quwadaha reer galbeedka uu u qabtay iney 60 maalmood gudahood ku diidaan cunaqabayentii saliidda Iiraan lagu soo rogay.

Muxuu salka ku hayaa khilaafkan soo cusboonaaday?

Xiisadahan ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labadan dal ayaa imanaya kaddib markii ay Iiraan joojisay waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka sidoo kalana ay ku gooddisay inay dib u bilaabi doonto barnaamijkii ay ku kobcinaysay yuraaniyam-keeda.

Heshiiskii 2015, waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sannadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu dalkaasi ku rogay.

Mareykanka waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan.

Baarayaasha Mareykanka ayaa bilowgii bishan Iiraan ku eedeeyay inay walxaha qarxa u adeegsanayaan waxyeelleynta maraakiibta shidaalka qaadda ee ka baxaya Isu-tagga Imaaraatka Carabta. Maamulka Tehraan ayaa iska fogayay eedahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here