Dowladda Itoobiya oo qeylo dhaan hor leh u dirtay shacabka

ethiopia map

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa shacabka heysta qalabka qaab militeri ahaan loo adeegsan karo ka codsatay inay diiwaan geliyaan.

Laanta dowladda u qaabilsan xogta arrimaha amniga iyo Internetka ayaa shaacisay in ‘ololaha ay Itoobiya u adeegsaneyso sidii lagu badbaadi lahaa’ taas oo ay ugala jeeddo dagaalka muddada sanadkan ah ee ka socad gobolka Tigray.

Qalabka ay dowladda ugubaaqday shacabka heystay inay diiwaan geliyaan waxaa kamid ah,

Teleenoonada Sattelite-ka, diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka, qalabka GPS-ka iyo qalabka masaafada fog wax looga eegi karo ee Binoculars.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here