Dowladda Kenya oo shaacisey inay ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya

ciidamada kenya

Wargeyka Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa daabacay in dowladda Kenya ay ku dhawaaqdey in ay gebi ahaan la baxeyso Ciidamadeeda ka jooga Gudaha dalka Soomaaliya.

Wargeysa waxaa uu sheegay in qorshahaas ay wado Wasiirka Difaaca Kenya Monica Juma,kaas oo ay wada hadal kala galeyso Midowga Afrika si ay Kenya ula baxdo Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Wada-hadallad ayaa la shaaciyey in todobaadyada soo socda ay bilaaban doonaan si loo soo geba-gabeeyo howlgalkii Nabad ilaalinta ahaa oo ay Ciidanka Kenya, iyaga oo ku howgalayay Magaca AMISOM ku joogeen Soomaaliya muddo Sideed Sano ah.

Bishii October ee sanadkii 2011kii ayay Ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya, hayeeshee Sanadkii 2012kii ayuu Midowga Afrika u ogolaaday inay kamid noqdaan AMISOM, iyaga oo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen deegaano kamid ah Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kenya ayaa sanadihii u dambeysay waxaa ay wajaheysay weeraro kaga imaanayay dhinaca Ururka Al-Shabaab haba ugu badnaadaan deegaano kamid ah Gobolka Waqooyi Bari, waxaana Kenya ay ku celcelisaa in gudaha Soomaaliya ay ka difaaceyso dalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here