Dowladda Mareykanka oo ciidamo cusub keentay Soomaaliya

Askarta Mareykanka Soomaaliya5

Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee AFRICOM ayaa go’aansaday inay dib usoo celiyaan ciidamada Mareykanka ee joogay Soomaaliya si ay uga falceliyaan duruufaha amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka.

Jennifer Mykins oo ah agaasimaha howlgallada taliska ayaa sheegtay iney diyaar u yahiin wada shaqeynta saaxiibadooda bariga Afrika sida Soomaaliya, ayna doonayaan iney ka hor tagaan khatar walba oo timaada.

Ciidamadaan ayaa kasoo safray magaalada Vicenza ee dalka Talyaaniga, waxeyna usoo duuleen dhanka Soomaaliya.

Jennifer Mykins ayaa tiri: “Inkasta oo aan dhowaan dib u celinay Ciidamada Mareykanka guud ahaan Bariga Afrika, balse dib u soo celinta ciidankaan waxa ay muujineysaa wada shaqeynteena Soomaaliya in aan sida ugu degdegsan uga falcelino duruufaha dhanka Amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka, qorshahaan waa qayb kamid ah sugidda amniga.”

Waxyaabaha ay ciidamadaan fulin karaan waxaa ka mid ah ilaalinta xarumaha diblomaasiyiinta, Gargaarka, musiibooyinka, hawlgallada Militari, la shaqeynta taliska Mareykanak AFRICOM, Saaxiibada Soomaaliya iyo ilaalinta shaqaalaha Samafalka.

Amar kasoo baxay madaxweynahii hore Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliyga looga saaray ku dhawaad 700 askari oo ka joogay Soomaaliya, balse taliska Africom waxey sheegeen inuusan joogsan doonin hawlgallada ay ku bartilmaameedsadaan Al-Shabaab.

DAAWO SAWIRADA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here