Dowladda Mareykanka oo dalkeeda ka ceyrisay 21 Sacuudiyaan ah

Maxamed Al Shamraani

Xeer-ilaaliyaha qaranka Mareykanka William Barr ayaa sheegay in toogashadii bishii tagtay ka dhacday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Florida, halkaasi oo askari Sacuudiyaan ah oo la tababarayey uu ku dilay saddex Mareykan ah uu ahaa “ficil aragagixiso.”

Barr ayaa sidoo kale sheegay in 21 askari oo Sacuudiyaan ah oo xeradaas ku tababaranayey laga ceyrinayo Mareykanka, kadib baaritaan lagu sameeyey weerarkaas.

Weerarkaas ayaa mar kale cakiray xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga, xilli ay xiisad ka dhex oogan tahay Mareykanka iyo Iran, oo ah dalka ay gobolka ku xifaaltamaan Sacuudiga.

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada cirka Sacuudiga oo lagu magacaabay Mohammed Saeed Alshamrani, kaasi oo ah 21 jir, ayaa waxaa toogtay booliska magaalada Pensacola ee gobolka Florida kadib markii uu toogashada gaystay.

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka, Barr ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in Sacuudiyaanka kale ee tababarka u socday ay gacan ka gaysteen weerarka, ama ay horey usii ogaayeen.

“Kani waxa uu ahaa fal argagixiso. Caddeymaha la hayo waxay muujinayaan in qofka weerarka gaystay ay dhiiri-geliyeen fikrado jihadi ah,” ayuu yiri William Barr.

“Intii uu baaritaanka socday, waxaan ogaanay in Alshamrani uu 11-kii September 2019 qoray fariin uu ku leeyahay ‘tirsigu waa billowday.’”

Barr ayaa sidoo kale sheegay in Alshamrani uu booqday goobta lagu xusuusto dhibanayaasha weerarkii September 11 2001 ee magaalada New York, islamarkaana uu baraha bulshada ku qoray fariimo ka dhan ah Mareykanka iyo Israel, oo ay ku jiraan kuwa uu qoray laba saac ka hor weerarka.

Dowladda Sacuudiga ayaa “taageero buuxda oo dhameystiran” siisay baaritaanka Mareykanka ee dhacdadan, sida uu sheegay Barr.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here