Dowladda oo sheegtay inay dishay Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose

astaanta soomaaliya

Saraakiil ka tirsan Cidiamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa sheegey inay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ku dileen Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolkaas.

Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gle ismaaciil Cabdi Maalik ayaa sheegay in Ninkaasi oo lagu Magacaabi jirey Maxmed Cismaan Xuseen Buluush uu ka hor inta aan la toogan uu la soo baxay qori AK47 isla markaana uu la dagaalamay Ciidamada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalka loo fuliyey uu ahaa in ay soo qabtaan, hayeeshee markii uu Ciidamada la dagaalamey ay toogteen.

Wararka laga haleyo degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgalkaan uu dhacay Saqdii Dhexe ee xalayt,isla markaana siwyen looga dareemay Magaaladaas.

Majiro wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Al-Shabaab, kaas oo ku aadan warkaan kasoo baxay Dowladda ee lagu sheegay in howlgal lagu diley Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here