Dowladda Qatar oo xoojinaysa maalgashiga dalalka geeska Africa

kheyre iyo wad qatar3

Dowladda Qadar ayaa shaaca ka qaaday inay xoojin doonto xiriirka wadashaqayneed iyo maalgashiga dalalka geeska Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay si loo xoojiyo kaabayeyaasha dhaqaallaha iyo saameynta dowladda Qatar ay ku leedahay geeska Afrika.

Qadar waxa ay xustay inay laba jibbaari doonto malaayiinta dollar ee ay ku bixinayso dalalka geeska Africa, xilli loolan culusi kala dhexeeyo wadamada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga.

“Dowlada Qadar iyo wadamada bariga afrika waxay hormarinayaan xiriirka dhow oo ku saleysan xiriir taariikhi ah iyo rabitaan caam ah oo lagu gaarayo dhaqaalaha gobolka, waxbarashada iyo barwaaqada bulshada. Tusaale ahaan, Sanduuqa Horumarinta Qadar wuxuu ku deeqay deeq iyo amaah bariga Afrika in ka badan $ 4 bilyan sideedii sano ee la soo dhaafay, ” ayay tiri Lolwah al-Khater, afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dowladda Qadar ay qorsheynayso in lacag deyn ah oo horumarin ah ay siiso dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya si loo horumariyo adeegyadda kaabayeyaasha dhaqaallaha.

“Khaas ahaan Soomaaliya, waxaan mar labaad u xaqiijineynaa sida ay Qadar uga go’an tahay taageerida umadda maadaama ay si aad ah uga shaqeyneyso sidii loo fulin lahaa himilooyinkeeda’ waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno oo aan sii xoojino iskaashiga ganacsiga, horumarka iyo waaxaha kale” ayay kusii dartay hadalkeeda Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here