Dowladda Shiinaha oo Gaadiid dagaal ugu deeqday ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya

kaalmo ciidan china

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta oo Jimce ah ka gudoomay safiirka Shiinaha u fahiya Soomaaliya, Ambassador Fei Shengchoa kaalmo ciidan oo isugu jirta gaadiid, Ambalaasyo iyo qalabka miinada lagu baaro.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa xusay in kaalmada ay ka kooban 20 gaadiidka waaweyn ah, 5 kuwa booyadaha leh, 5 Ambalance oo leh adeeg dhameystiran, 22 qalabka lagu hubiyo miinada iyo agab kale.

“Aad baan uga farax-sanahay inaan maanta aan gudoonsiino walaalaheena Soomaaliya kaalmo militiri oo gaadiid iyo agaba leh, labada dawladooda waxa ay leeyihiin xiriir diplomasi oo jirsaday 62 sano, waan garab istaagaynaa Soomaaliya, laakiin uma heyno furaha mushaakilkooda oo dhan” ayuu yiri Fei.

Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in taageeradan ay timid wakhti munaasib ah, ayna u adeegsan doonaan hawl-galada ka dhanka ah argagixisada.

“Waxan halkaan kula wareegaynaa kaalmo militiri oo aad iyo aad muhiim noogu ah in aan helno si aan u kordhino dagaalka ka dhanka Al-shabaab, Waxa aan uga mahad-celinaya dawladda iyo shacabka Shiinaha oo noogu deeqay taagesradan, labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir walaalnimo oo soo jireen ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Munaasabada dowladda Soomaaliya ay kaalmada ciidan kula wareegtay ayaa ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here