Dowladda Somaliya oo diiwaangelisay kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah

Foosiyo Abiikar Nuur

Dowladda Somaliya ayaa waxa ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus in laga helay Somaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Somaliya, Foosiyo Abiikar Nuur oo la hadashay Warbaahinta Qaranka, ayaa waxa ay sheegtay in la helay kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah.

Muwaadinka kiiskaan laga helay, ayaa waxa uu ka yimid dalka dibadiisa, waxaana ay intaasi ku dartay in lagu karantiilay goob dadka lagu baxnaaniyo oo dowladda ugu talo gashay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, ayaa waxa ay sheegtay inay ku dadaalayaan daryeelka muwaadinkaasi Soomaaliyeed ee laga helay caabuqa Corona.

Somaliya oo ah dal ka soo kabsanaya dagaalo sokeeye, ayaanan lahayn daryeel caafimaad oo wanaagsan, marka loo eeggo tayada dhakhaatiirta & qalabka kala duwan ee dalka yaala, dhakhaatiirtana isticmaalaan.

Waa kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus pp laga helay Somaliya, xilli dalalka deriska laga helay kiisas lala xiriira caabuqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here