Dowladda Soomaaliya oo beenisay in shirkado heshiis shidaal qodis la saxiixdeen

wasiirka maaliyadd somalia bayle

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar maalmahii lasoo dhaafay looga faafiyay baraha bulshada kaas oo sheegaya iney shirkado ajnabi ah la galayaan heshiis shidaal qodis ah.

Wararka horay loo faafiyay waxey sheegeen in laba shirkadood masuuliyiintooda ay soo gaareen magaalada Muqdisho si ay heshiis ula galaan dowladda Soomaaliya, labada shirkad ayaa lagu kala sheegay Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in aysan jirin xilligaan shirkado heshiis shidaal qodis lala saxiixday sidoo kalena lala saxiixanayo.

Wasiirka oo shir ajraaíd warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in masuuliyiin ka socda shirkadaha ay yimaadeen magaalada Muqdisho, balse heshiis walba la marsiin doono hab sharci ah

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay inaan la saxiixi doonin heshiis aan la isku raacsaneyn, maadaama ay dhibaatooyin badan ka imaan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here