Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay ilaalinta baddeeda

astaanta soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysanayo xeebaha.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in caddaallada la horgeeni dadka lagu helo arrintaas.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamed Maxmuud, oo la hadlayay saraakiil tababar ku soo qaatay dalka Seychelles, ayaa sheegay in dowladda ay xoojineyso dadaallada lagula dagaallamayo maraakiibta kalluumeysiga sharci darrada ah ka wada xeebaha Soomaaliya.

“Ujeeddada tababarka ay wasaaradda, xafiiska xeer ilaalinta iyo booliska u direen xubnaha halkan fadhiya, waxaa weeye in lala dagaallamo kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda badaheena”.

Wuxuu kalluumeysiga sharci darrada ah ku tilmaamay “masiibo qaran” oo saameyn weyn ku yeelatay kheyraadka Soomaaliya oo ay ka faa’ideysanaaan dad ajaaniib ah, kuwaas oo “nabaad guur ku haya kheryraadka naadirka ah.”

“Kalluumeysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya waxa uu yahay masiibo qaran oo ka mid ah masiibooyinka waaweyn ee Soomaaliya kheyraadkeeda ka jira, waana midda ugu weyn,” ayuu yiri.

“Kheyraadkaas ku jira badda waxaa si sharci darro ah uga faa’ideysta, dadyow kale oo u soo shaqo tagey in xeebaha Soomaaliya leedahay. Weliba way nabaad guuriyaan kheyraad tiro badan oo kooban oo Soomaaliya baddeeda ku jira oo la rabay in la badbaadiyo kalluumeysigiisa iyo gurashadiisana la yareeyo,” ayuu yiri Suleymaan.

Wuxuu ciidamadda badda ugu baaqay in ay soo qabtaan maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, sidoo kale dowladda ay la dagaallami doonto cid kasta oo ku lug lahaata falalkan noocaas ah.

“Waxaan rajeynayaa in xilli aan fogeyn la soo qab qabto maraakiibtaas. Xafiiska xeer ilaalinta ee awoodda u leh in maxkamad uu horgeeyo cid kasta uu ku lug leh qeybna ka ah kalluumeysigaas sharci darrada ah”.

Waxaana howlaha kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebaha Soomaaliya ay qeyb yihiin dad Soomaali ah, kuwaas oo howsha u fududeynaya kalluumeysatada ajaaniibta ah, sida laga soo xigtay xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Maxkamadda Caddaalladda Adduunka ay go’aan ka soo saartay dacwaddii badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda waxay inta badan aaggii lagu muransanaa u xukmisay Soomaaliya, halka Kenya ay heshay qeybo yar oo dhulkaas ah.

Waxaa sanadihii u dambeeyay istaagay dhaqdhaqaaqyadii ay burcad badeeda ku afduuban jireen maraakiibta xeebaha Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale jira maraakiib caalami ah oo ay la socdaan ciidamo ajaaniib ah oo ka howlgala badda Soomaaliya iyo badweynta Hindiya ee ku dhow, waxayna ka hor tagaan afduubka maraakiibta.

Sannadkii 2018 ayay aheyd markii ugu horreysay muddo 30 sano ah ay dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho ku saxiixday heshiis si daah furan loogu bixinayo shatiyo kalluumeysi ah oo la siiyay iskaashatooyin ka soo jeeda dalka Shiinaha.

Shatiyadan oo gaaraya 31 ayaa lagu bixiyay lacag dhan hal milyan oo doolar-ka Mareykanka ah, waxaana heshiiskan saxiixay wasaaradda kalluumeysiga ee soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here