Dowladda Soomaaliya oo Hub iyo ciidan dheeraad ah geysay degmada Luuq

ciidan gedo2

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in hub iyo ciidan dheeraad ah geysay degmada Luuq ee Gobolka Gedo, halkaasoo muddooyinkii la soo dhaafay ka waday abaabulo ka dhan ah Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ciidamo iyo hub ku daabuleyso Luuq, si ay colaad uga huriso deegaanada Gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay saldhigyo ka sameysteen degmada Luuq, sidoo kalena la filayo inay gaaraan degmada Doolow.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa maalmihii la soo dhaafay ka jiray Gobolka Gedo, iyadoo ay jireen Ciidamo laga qaaday Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here