Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirka guddiga sare ee fulinta hey’adda QM

Sabriye

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Geneva oo ay uga qeybgali doonaan shirka  heerka caalami ah ee guddiga sare ee fulinta hey’adda QM ee qaxootiga Adduunka.

Kulankan oo ah kii 70aad ayaa waxaa isugu imaan doona dalalka xubnaha ka ah guddiga sare ee fulinta hey’adda QM ee qaxootiga Adduunka, iyadoo Wasiirku uu ku matali doona Dowlada Soomaaliya.

kulanka ayaa lagu qaadaa dhigi doonaa arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kalana lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hey’adda UNHCR.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Maxamed Sabriye ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Switzerland waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madax ka tirsan dowladda Switzerland iyo mas’uuliyiinta kale ee Shirkaasi ka qeyb-galeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here