Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgalkii Tooratoorow ku qabatay Labo Sarkaal

ciidamada danab tooratoorow

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgalkii shalay ay kula wareegeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku qabteen labo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab iyo 8 maleeshiyo.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in la qabtay Garsoorihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Tooratoorow iyo Madaxii Maaliyadda iyo Zakawaatka oo magaciisa lagu soo koobay Macalin Abuukar.

Waxaa uu sheegay in deegaanka Tooratoorow uu yahay deegaan istiraatiiji ah oo Al-Shabaab ku lahaayene saldhig weyn oo ay u adeegsan jireen inay ka soo abaabulaan qaraxyada, sidoo kalena uu deegaanka u ahaa goob ay ku qaadi jireen lacago baad ah sida uu yiri.

Ciidanka dowladda ayaa deegaankan dhowr jeer oo ay qabsadeen isaga soo baxay, waxaana shantii sano ee u dambeeyay Tooratoorow aheyd meel ay isku gacan dhaafeen ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here