Dowladda Soomaaliya oo war rasmi ah kasoo saartay kiiska Ciise Tarabuun

Cabdiwaaxi Khaliif Cabdi Ciise Tarabuun

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay nin lagu magacaabo Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi, oo ku magac dheer Ciise Tarabuun, kaas oo booliska dalka Kenya ay shaaciyeen inuu gudaha u galay dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in Ciise Tarabuun uu ahaa madaxii amniyaatka kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho ayada oo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale uu 19-kii June shaaca ka qaaday in laga soo qabtay suuqa Bakaaraha.

War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlayay arrinta Ciise Tarabuun ayaa lagu sheegay in ninkaas uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhameystay xukun maxkamadeed.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Aadan Isaaq Cali, ayaa sheegay in sanadkii 2017-kii oo Cabdiwaaxid loo xiray eedo la xiriira argagixisnimo ay dacwaddiisa qaadday maxkamadda ku shaqada leh ee Ciidammada qalabka sida, oo markii ay kiiskiisa baartay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah.

“Cabdiwaaxid, ayaa markii uu dhammeystay xabsigii ay maxkamadda military-gu ku xukuntay la sii daayay sida sharcigu qabo, Waxaana sii dayntiisa in muddo ah kadib lala socday  dhaq dhaqaaqiisa iyo xaaladaha.” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq.

“Dowladda Soomaaliya, waxay si cad u muujinaysaa in  Cabdiwaaxid uu yahay muwaadin maray xukum ciqaabeed xabsi laba sano ah, oo ay ku xukuntay maxkamadda militariga Soomaaliya”ayaa lagu yiri war caawa kasoo baxay dowladda.

Warka wasaaradda ayaa waafaqsan kii goor sii horreysay oo maanta ay Caasimada Online ku shaacisay habkii Ciise lagu sii daayey iyo sida uu uga dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Halkan ka aqriso xogtaas. 

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday dowladda 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here