Dowladda Talyaaniga oo diyaarad gargaar wado kasoo dajisay Muqdisho

Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho.

Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan.

Guddiga gurmadka Fatahaadaha ayaa garoonka Muqdisho kula wareegay deeqdaan ka timid dowladda talyaaniga, waxaana ay sheegeen in dhawaan la gaarsiin doono Magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday oo Beledweyne ugu weyn tahay.

Talyaaniga ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ee ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here