Dowladda Turkiga oo ballan-qaad culus u sameeysay shacabka Soomaaliyeed

Rooble iyo Mehmet Yilmaz

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya ee Mehmet Yilmaz, waxeyna labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Dowladda Turkiga waxey ballan qaaday iney sii xoojin doonto taageerada aan shuruudda ku xirneyn oo ay la garab taagan yahiin Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagan yahiin shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay ineysan marnaba iloobi doonin abaalka ay dowladda Turkiga u gashay shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay qeyb weyn uga qaateen hormarka Dowladda.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka labada masuul wuxuu kusoo aaday xilli shaki la galiyay mustaqbalka xiriirka labada dhinac maadaama sanadahii dambe ay dowladaha carabta galaangal fiican ku yeesheen siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la galayaa wakhtiga doorashada, iyadoo la filayo in faragalin dowladaha carbeed ah ay timaado iyadoo aan wali la ogeyn saameynta ay Turkiga ku leeyahiin walow ay kaalin muhiim ah ku leeyahiin ilaha dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here