Dowladda Turkiga oo sheegtay in aanay hakin doonin howlaha ay ka wadaan Soomaaliya

wasiirka arimaha dibada turkey

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa si kulul uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay Ingineero u dhashay Turkiga, kuwaasoo dhisaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in weerarkaas aanu marna hakin doonin howlaha ay ka wadaan Soomaaliya, isagoo qiray in weerarkii shalay uu waxyeelo ka soo gaaray muwaadiniin Turkish ah.

“Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada.Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda ayuu yiri” Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah howlwadeenada Turkiga ee dhisaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana tan iyo markii wadadaas la bilaabay dhacay qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Bishii December ee sanadkii hore 2019 weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ayaa waxaa ku geeriyootay labo Engineero u dhashay Turkiga iyo 50-meeyo ruux oo shacab Soomaaliyeed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here