DUCAALE: “Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah Shariif”

was Maxamed Abuukar Islow

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo la dul-dhigay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ducaale oo qoraal soo dhigay facebook ayaa yiri “Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam.”

Ducaale ayaa yiri “Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur.

Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro.”

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamadaas ay meel u dhow guriga Shariif ka sameynayeen baaritaano la xiriira hoobiyeyaal dhowr habeen ka hor laga shakiyey in laga tuuray, taasi oo laga yaabo inay kala shaki dhalisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here