Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Shaqada oo kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar

cumar filish iyo wasiir Sadiiq Warfaa

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee ku nool caasimadda.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah barnaamijka Baxnaano ee uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, kaasoo loogu tala galay qoysaska danta yar.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Sadiiq Warfaa oo Duqa Muqdisho ku soo dhoweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, isla maantana uu ku wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka aadka u nugul ee ku nool gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir Cumar Filish oo ka mahadceliyay soo dhaweenta Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here