Duqa Muqdisho oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

cumar filish iyo Amb Alberto Vecchi

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulankani ayaa inta uu socday waxyaabihii laga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii dowladda Talyaaniga ay u xoojin laheyd taageerada mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda Soomaaliya, iyadoo kulankani ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Shirka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi, isagoo sheegay Talyaaniga ka qeyb qaadan doono mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay kulankan looga hadlay xoojinta taageerada mashaariicda Talyaaniga ee lagu horumarinayo caasimadda, isagoo ka mahadceliyay garab-istaagga iyo taageerada ka timaada dowladda Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here