Duqaymo lala beegsaday xarumo iyo saraakiil Al-Shabaab ka tirsan

AlShabaab drone

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeyn xoog leh ku ekeeyay degmooyin ka tirsan gobalada Jubbooyinka, kuwaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay degmooyinka Jamaame iyo Bu’aale oo ka kala tirsan Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, waxaana duqeymahaasi lala beegsaday xarumo ay leeyihiin Al-Shabaab, sida ay soo sheegayaan saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Duqeynta hore ayaa ka dhacday goob lagu qeybinayay hub ay dhawaan keensadeen dagaalamayaasha al-Shabaab oo ku taalla degmada Jamaame, waxaana la soo wariyay in duqeyntaasi sababtay dhimasho iyo dhaawac iyo holac xoog leh ka kacay xeradii hubka lagu dhiibayay.

Sidoo kale, duqeynta labaad ayaa ka dhacday magaalada Bu’aale ee gobalka Jubada Dhexe waxaana la duqeeyay guryo ay daganaayeen xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab, xarunta degmada iyo Saldhiga magaalada, iyadoo ay diyaaradaha duqeynta waday ay dejiyeen ciidamo muddo ka dagaalamayay magaalada gudaheeda.

Nin magaciisa lagu soo koobay Abuu Anas, oo ka tirsan madaxda amniyaadka Al-Shabaab, ayaa ku jira dadkii lagu dilay duqeyntaasi, waxaana sidoo kale la dilay dagaalamayaal iyo xubno kale oo aan si rasmi ah loo ogeyn tiradooda.

Qoraal xalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka iyo ciidamada Soomaaliya ay iska kaashanayaan cirib tirka Al-Shabaab ayna kaga guuleesteen in hoos loo dhigay qatartoodii Soomaaliya.

Jubooyinka iyo gobalka Shabeelada Hoose ayaa qeyb ka ah goobaha ugu badan oo ay ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka fuliyeen howlgalada u badan duqeymaha iyo kuwa gaadmada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here